Mudanyaasha Golaha Shacabka BJFS Ayaa Maanta Yeeshay Kulankooda 32-aad ee Kalfadhiga 6-aad, Kooramka Kulanka Maanta Ayaa Waxaa UU Ku Furmay 144 Mudane, Waxana Shir Gudoominayey Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
Ajendaha Kulanka Maanta Aya Waxaa Uu Ahaa:=
1-Furitaanka Ayaadaha Qur’aanka Kariimka ah
2-Ansixinta Ajendaha
Wsrbixinta Hindise-sharciyeed-yada Kaso Noqday Aqalka Sare
3-Sharciga Doorashooyinka Qaranka Heer Federal
4-Sharciga Duulista Rayidka
5-Sharciga Jaan-gooynta Iyo Tayo-dhowrka Soomaliyeed
6-Sharciga Tirokoobka Qaranka
7-Hindise Sharciyeedka Heerka Warbaahinta
8-Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada Iyo Xaqsiinta Ciidamada
9-Qeybinta Hindisaha Dib-u-eegista Iyo Kaabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Dalka
Ugu Horeyn Mudanyaasha Golaha Shacabka BJFS Ayaa Dood Maanta Waxay Ku Meel Mariyeen Hidise Sharciyeedyo Ay Kamid Yihiin
1-Sharciga Doorashooyinka Heer Federal
2-Hindise-Sharciyeedka Xeerka Warbaahinta
3-Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada Iyo Xaqsiinta Ciidamada
4-Sharciga Duulista Rayidka
5-Sharciga Jaan-gooynta Iyo Tayo-dhowrka Soomaliyeed
Dhanka Kale Waxa Dib Loo Dhigay
*Qeybinta Hindisaha Dib-u-eegista Iyo Kaabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Dalka