Golaha Sharcidejinta xilkooda waajibaad waa
1. Diyaarinta, ka doodista iyo ansaxinta sharciyada DGGM.
2. Wax ka beddelidda Dastuurka DGGM marka laga reebo qodobada aasaasiga ee ku xusan Cutubka kowaad iyo cutubka labaada ee xuquuqul insaanka.
3. Doorashada iyo xil ka qaadidda guddoonka golaha.
4. Doorashada iyo xil ka qaadidda Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
5. U codeynta guddiyada joogtada ah iyo kala laabashada codka.
6. Waxa ay ansixiyaan barnaamijka iyo xukuumadda uu soo magacaabay madaxweynaha si cod hal-dheeri ah
7. Ka doodista iyo ansixinta miisaaniyadda sanadka iyo meelmarinta xisaab-xir sannadeedka.
8. Ansaxinta ama laalidda xaalad deg deg oo ay xukuumaddu ku soojeedisay
9. Ka doodista iyo ansaxinta hindiso sharciyeedyada xukuumadu soo qadinto.
10. Ka doodista iyo ansaxinta motion golaha laga keeno guddoonka golaha sharcidejinta iyo madaxweynaha DGGM.
11. U codeynta ama diidmada ansaxinta dhismo deegaano cusub.
12. U codeynta ama diidmada Haya’adaha dowliga ee madaxa banaan iyo Guddiyada madaxa banaan.
13. La xisaabtanka xukuumadda, kormeeridda, baarista iyo wax-weydiimo hay’adaha xukuumadda iyo Hay’adaha madaxa banaan iyo Gudiyada madaxa banaan.