Guddiga Arrimaha Golaha

Guddiga Arrimaha Golaha ee Goluhu wuxuu ka koobnaanayaa:

  • Guddoomiyaha, labadiisa ku xigeen,
  • habdhowraha iyo labadiisa ku-xigeen, iyo
  • dhamaan guddoomiyayaasha guddiyadda Goalaha Sharci-dejinta DGGM

Guddoomiyaha Golaha ayaa guddoominaya Guddiga Arrimaha Golaha.

Xilka iyo waajibaadka Guddiga Arrimaha Golahaah waa sida soo socota:

1 Wuxuu diyaariyaa isla markaana maamulaa barnaamijyada iyo howlaha kalfadhiyada Golaha;

2 Wuxuu diyaariyaa isla markaana maamulaa jadwal-qorsheedka fadhiga Golaha.

3 Wuxuu xiriiriya hawlaha Golaha iyo guddiyada golaha; iv. Wuxuu go’aan ka gaaraa, qeybiyaana miisaaniyad sanadeedka shaqo ee guddiyada golaha;

4 Wuxuu tixgaliyaa barnaamijka shaqo ee guddiyada golaha oo ay ka mid yihiin haddii loo baahanyahay socdaal iyo kulamo lagu qabanayo meelo ka baxsan dhismaha Golaha.

5 Wuxuu ka doodaa, go’aanna ka gaara warbixinta guddiyada ee looga doodi doono golaha.