Guddiga Xeer-hoosaadka, Xasaanadda, Anshaxa iyo daryeelka

Arrimaha hoos imaanaya guddigan waxaa ka mid ah:

  1. Guddigan waa In ay ku jiraan ugu yaraan labo (2) qareen
  2. Lixdan (60) cisho gudahood xilliga la dhiso guddigaan ka dib ee lagu jiro kalfadhiga kowaad, waqti waa in loo qoondeeyo tixgalinta xeer hoosaadka sida uu guddigan soo jeediyo.
  3. Sodon (30) cisho gudahood ee bilawga kal-fadhi kasta ee golaha Sharci dejinta, guddigan wuxuu ka doodayaa hindisaha wax ka bedel ee xeerkan wuxuuna u gudbinayaa talo soo jeedintiisa Golaha Sharci dejinta si loo ansaxiyo; 49
  4. Guddigan wuxuu tixgalinayaa arrimaha la xariira xasaanadda xubnaha wixii talo soo jeedin ahna u gudbiyaa Golaha
  5. Guddigan wuxuu talo bixin ka jeediyaa arrimaha la xariira luminta xubinnimada ee Golaha Sharci dejinta.
  6. Guddigan wuxuu talo bixin ka jeediyaa arrimaha la xariira tallabooyinka anshax marin ee laga qaadayo xubin ka tirsan Golaha Sharci-dejinta sababo ay kamid yihiin anshax xumo ama ku xadgudubka Xeer Hoosaadka Golaha.
  7. Guddigan wuxuu soo jeediyaa tallaabooyinka maamul ee lagu xoojinayo habdhaqanka iyo anshaxa xubnaha