Guddiga wuxuu u xilsaaranyahay seddax (3) Arrimood oo ah:
- Waxka beddalka Dastuurka DGGM;
- Dibuheshiisiinta iyo turxaan bixinta;
- Arimaha Gudaha
Guddiga dastuurku wuxuu:
- Kormeerayaa, farayaa, ansaxinayaana hawlaha dib-u-eegista iyo dhaqangalinta Dastuurka iyo guud ahaanba ku dhaqanka dastuurka.
- Ogeysiiyaa dadweynaha wixii soo jeedin waxka beddal Dastuur ah.
- Intii suurtogal ah, sugayaa in ay jiraan fursado ku filan ka qeyb-galka dooda daweynaha.
- La tashanayaa xubnaha ka socda dadweynaha.
- Hubinayaa in xubnaha ka socda dadweynaha ay haystaan fursado ku filan oo ay kusoo bandhigi karaan fikirkooda iyo aaraadooda.
- La hadlayaa Golaha Sharci-dejinta DGGM islamarkaana ku biiriyo fikirka iyo talo soo jeedinta wax ka bedelka Dastuurka DGGM.
- Warbixin siinayaa golaha ugu yaraan hal jeer sedexdii biloodba.
- Qabanayaa wixii hawl kale ah ee dastuurka kumeelgaarka ah iyo sharciga
- Hanti isu celinta iyo isturxaanbixinta shacabka Mudug iyo Galguduud
- Kala shaqaynta dhaqanka iyo hay’adaha dawligaba dejinta qorsheyaasha Dib-u- 50 heshisiinta
- Katala bixinta xiriir wanaaga hoggaanka dhaqameedyada iyo maamuladda hay’adaha dawladda ah.