Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Guddiga Garsoorka

Awqaafta iyo Arimaha Diinta, waxaa hoos imaanaya qaybaha soo socda:

  1. Arimaha Garsoorka
  2. Arimaha Diinta & Awqaafta

Arimaha Garsoorka wuxuu u xilsaaran yahay:

  1. Hubinta madaxbannanida Garsoorka,
  2. Ka baaraandegista shuruucda la xiriirta hayadaha Garsoorka & garsoorayaasha
  3. La socodka cabashooyinka bulshada ee la xiriira arimaha garsoorka iyo gardoonka
  4. La socdka arrimaha Xabsiyada iyo Maamulkooda

Arimaha Diinta & Awqaafta wuxuu u xilsaaran yahay:

  1. Ka talabixinta iyo u kuur-gelidda arrimaha la xariira faafinta diinta Islaamka.
  2. Ka tala-bixinta hawlaha la xiriira Maamulka masaajidda, Xajka & Cimarada iyo hawlaha kheyriga ah.