Waajibaadka Gudiga

Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha Sharci-dejinta Dowlad Gobaleedka Galmudug 

Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha Shacabka, marka lagu daro shaqooyinka ayaga u khaaska ah ee xeer-hoosaadkani farayo, waxay ahaanayaan sida soo socota.

  1. In ay fuliyaan shaqo kasta oo uu Golaha Sharci dejinta DGGM u xilsaaro, 
  2. In ay baaraan, ka doodaan, talana ka soo bixiyaan sharciyada qabyada ah ee la hor keeno Golaha Sharci dejinta 
  3. In ay keenaan sharci kasta oo qabyo ah ama qaraaro qabyo ah oo ku saabsan waxyabaha ay shaqadoodu tahay, marka laga reebo hindise sharciyeed la xiriira miisaaniyadda sanadlaha iyadoo ay isku raaceen ugu yaraan10 xubnood ee Golaha 
  4. In ay Golaha Sharci dejinta DGGM u soo jeediyaan sharciyo qabyo ah (hindiso sharciyeed) oo ay tahay in xukuumada loo faro in ay kafaalo qaado. 
  5. In ay talo siiyaan guddiga Ganacsiga iyo Maaliyadda, lacagta iyo illaalinta hantida qaranka arimaha ku saabsan mudnaanta miisaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos timaado. 
  6. In ay baaraan talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha guddiyada shaqadu kala dhaxeyso. 37 
  7. In ay ka talo bixiyaan ama ay cadeeyaan arrimaha Golaha Sharci dejinta DGGM u soo gudbiyo. 
  8. In ay keenaan doodo Goluhu ka yeesho oo ah arrimaha faa’iidadu ugu jirto ummada. 
  9. In ay qiimeeyaan, kormeeraana habka loo qabto iyo habka loo hirgaliyo sharciyada iyo qorshayaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso. 
  10. In ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshaha kharashaadka waqtiga dhow, dhexe iyo kan fog-ba ee ha’yadda ama ha’yadaha loo xilsaaray. 
  11. In ay bilaabaan baaritaan la xiriira shaqada guddi kasta u xilsaaran yahay 
  12. In ay sameeyaan cilmi baaris ku saabsan shaqada guddi kasta u xilsaaranyahay 
  13. In ay sameeyaan dadaal kasta oo ay kula falgelyaan kuna kasbanayaan bulshada rayidka ah, 
  14. In ay Golaha Sharci dejinta DGGM ku wargaliyaan shaqooyinkooda