Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Qaranka ee sida geesinimada lah maanta uga hortegay weerarkii bahalnimo ee argagaxisadu kusoo qaaday degmada Baxdo.

203

Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Qaranka ee sida geesinimada lah maanta uga hortegay weerarkii bahalnimo ee argagaxisadu kusoo qaaday degmada Baxdo.Waxaan Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo ku ammaaneynaa sida geesinimada leh oo ay uga hortageen dhagar qabayaasha soo duulay una heleen xogtooda waqti hore kalana kulmeen dharbaaxo aysan halmaami-doonin, tusaale-na u noqondoonta kuwa isku daya mar kale in ay soo duulaan.Guddoonka ayaa Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, jannadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku shahiiday Jihaadkii maanta ka dhacay Baxdo. Guul iyo Gobanimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here