Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta oo Axad ah yeeshay Kalfadhiga 5-aad kulankiisa 6-aad.

164

DHUUSAMAREEB 04/09/2022:

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa shir guddoomiyay fadhigii maanta waxaana ku wehlisay Gudoomiye ku xigeenka labaad Marwo Faadumo Cabdi Cali.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaay:

1. Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxabannan ee Doorashada Galmudug.

2. Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Ururada & Xisbiyada Siyaasadda ee Galmudug.

Igu horeyn Gudigga Amniga ayaa laga dhagaystay Xaaladda Aminga ee Dawlad Gobaleedka Galmudug waxaana warbixin ka siiyay Golaha Baarlamaanka Xaladaha ka soo cusboonaaday Galmudug Gudoomiyaha Gudigga Amniga Mudane Xassan Xirsi Hashi.

Sidoo kale Labada Hindise Sharciyeed ee kala ah Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxabannan ee Doorashada Galmudug Iyo Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Ururada & Xisbiyada Siyaasadda Galmudug ayaa Maray Akhrintii labaad Xildhibaanadda ayaa ka dooday Qodobada qaar.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta

Golaha Baarlamaanka Galmudug

E-mail:media@parliament.gm.so

Twitter: @Baarlamaankadgg

Facebook:@Baarlamaankadgg

Instagram:@Baarlamaankadgg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here