Mudane Xildhibaan Hassan Hersi Hashi oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Galmudug iyo qaar kamida gudoonka Degmada Ceel-garas ayaa kaamamka qaxootiga ku booqday Duleedka Dhuusamareb.
Xildhibaan Hassan iyo wafdiga la socda ayaa u kuur galay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool halkaas.
Xildhibaan Hassan ayaa u balan qaaday in laga caawin doono wax yaabaha ay u baahan yihiin Dadka ku dhiban Kaambka.