Shirka 30-aad ee Midowga Baarlamaanadda Aduunka qeybtiisa Carabta oo maanta ka dhacay Dalka Jordan Caasimadiisa Cammaan

291

Shirka 30-aad ee Midowga Baarlamaanadda Aduunka qeybtiisa Carabta oo maanta ka dhacay Dalka Jordan Caasimadiisa Cammaan waxaa looga hadlay xaalada Dalka Falastiin gaar ahaan heshiiskii Qarniga ee uu dhowaan saxiixay Madaxweynaha Mareykanka.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Iyo wafdi uu hogaaminayo oo Soomaaliya ku matalaya shirka ayaa jeediyay khudbad uu dhinacyo badan kaga hadlayay,waxaana waxyaabaha uu aadka Uga hadlay ka mid ah qadiyada Falastiin iyo in lama taabtaan ay tahay madax banaanida dadka Iyo dalka falastiin Iyo sidoo kale in dhamaan dalalka Islaamka ay mas’uuliyadi ka saarantahay u doodida xaqa ay falastiniyiintu leeyihiin.

Sidoo kale guud ahaan madaxdii shirka ka hadashay ayaa sheegtay In ay kasoo horjeedaan heshiiska qarniga ee uu saxiixay madaxweynaha mareykanka waxa ayna ku tilmaameen mid aan sharci aheyn.

Ugu Dambeyn waxaa shirka laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo ay ka mid yihiin in marka hore falastiiniyiinta ay dhexdooda heshiiyaan Iyo in boqortooyada Urdun ay mas’uuliyad iska saarto ilaalinta Goobaha cibaadada oo uu ugu horeeyo Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here