Xildhibaan Mursal Mohamed Yusuf oo ka tirsan Guddiga Dastuurka, Dib-u-hishiisinta iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in wax laga baddelo Qodobo ka mid ah Dastuurka Dawlad Gobaleedka Galmudug

125

Xildhibaan Mursal Mohamed Yusuf oo ka tirsan Guddiga Dastuurka, Dib-u-hishiisinta iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in wax laga baddelo Qodobo ka mid ah Dastuurka Dawlad Gobaleedka Galmudug, waxa ayna codsadeen in goluhu ka doodo laba qodob oo ay soo bandhigeen, kalana ahaa;

  1. In dib loo dhigo Dib-u-eegista guud ee Dastuurka ilaa Kalfadhiga 7aad.
  2. 2. In qodoba kooban wax laga bedelo Kalfadhigaan 5-aad, iyada oo loo marayo habraaca uu tilmaamayo qodobka 71-aad ee Dastuurka Galmudug oo qeexaya in ay Mooshin ku soo jeediyaan 1/4 (afar meelood meel) Golaha Sharci-dejinta wax-ka bedelka Qodobada Dastuurka Galmudug, kadibna Goluhu ku ansixiyo cod aqlabiyad ah.

Soo jeedinta Xildhibaan Mursal kadib waxaa Goluhu ansixiyey tala soojeedintii Guddiga Dastuurka sidoo kale Golaha ayaa dib ugu balamay in laga sii doodo qodobadii ay soo jediyeen Guddigu ee wax ka beddelka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here