Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta kulan-koodii caadiga ahaa ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

256

 Dhuusamareeb, December, 28, 2021:

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta kulan-koodii caadiga ahaa ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Kulanka maanta ee Golaha Baarlamaanka Galmudug waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayna ku wehliyeen Gudoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad.Ajandaha kulanka Golaha ayaa ahaa;1. Akhrinta 3aad iyo Ansixinta Hindise-Sharciyeedka BIYAHA Galmudug.2. Akhrinta 3aad iyo Ansixinta Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka Galmudug.Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise Sharciyeedyada Biyaha iyo Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka Galmudug.Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo shir gudoominayay kulanka maanta ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay in uu Xirmay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka, Xildhibaanaduna ay galeen Fasaxii Sanadka cusub ee 2022, Kalfadhiga 5aad na uu dib u furmi-doono bisha Maarso ee Sanadka 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here